XIGASHO LAACIB.NET
Xiddiga Manchester United Bryan Mbeumo ayaa ku baaqay in dhammaan ciyaartoyda kooxda ay qaataan mas’uuliyadda natiijooyinka liita ee xilli-ciyaareedkan.
Mbeumo ayaa hadalkan sheegay xilli United ay isku diyaarinayso kulanka Premier League ee ay toddobaadkan la ciyaarayaan Sunderland, kaddib guuldarradii Brentford ka soo gaartay.
Guuldarradaas ayaa Red Devils ka tuurtay kaalinta 14-aad ee horyaalka, taas oo sii kordhisay cadaadiska saaran tababare Ruben Amorim iyo ciyaartoydiisa.
Isagoo la hadlayay Sky Sports, Mbeumo ayaa yiri:
“Waxaan aaminsanahay in qof walba oo kooxda ku jira uu mas’uuliyadda qaado.
Marka aad u ciyaarayso koox weyn oo sidan oo kale ah, qof walba waa inuu fahmaa waxa laga doonayo. Koox ahaan waa inaan ka soo baxnaa mas’uuliyaddaas oo aan ka shaqaynaa sidii aan u fiicnaan lahayn.”
Mbeumo ayaa intaas ku daray in kooxda diiradda saarto gudaha kooxdeeda oo aanay ku mashquulin waxa ka baxsan:
“Waxa kaliya ee aan doonayno inaan diiradda saarno waa annaga. Waxaan isku dayeynaa inaan dhegeysanno waxa ka socda gudaha kooxda.
Ma aha wax adag in la iska indha tiro buuqa bannaanka. Inta badan waxaan ku aragnaa baraha bulshada, laakiin haddii aad halkaas badanaa aadan joogin, waxaad awood u leedahay inaad diirada saarto naftaada.”
XIGASHO LAACIB.NET
