NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Duleedka Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya waxaa ka dhacay saacadihii ugu danbeeyay shil gaari oo laga hadal hayo dalkaasi kadib markii uu shil galay gaari nuuca gar-garka degdeg ah ee loo yaqaan anbalaasta.
Shilkaan waxaa ku dhintay 6 ruux oo uu ku jiro Bukaanka oo dumar ahaa, ninkeeda, laba ehalada bukaanka, darawalka aanbalaasta iyo qof kalkaaliye caafimaad ahaa.
Shilkaan wuxuu ka dhacay agagaarka Kimende ee ku teedsan waddada isku xirta magaalooyinka Nakuru iyo Nairobi waa dhacdo ugub ah marka loo eego sida uu u dhacay iyo dadka ku dhintay intaba.
Dad ka dhawaa halka shilka uu ka dhacay ayaa laga soo xigtay in darwalka aanbalaasta uu gaariga ku waday xowli sidaana shilka ku galay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
