HomeCiyaarahaBukayo Saka oo ka nixiyay taageerayaasha Arsenal: ‘weli waa goor hore!’

Bukayo Saka oo ka nixiyay taageerayaasha Arsenal: ‘weli waa goor hore!’

XIGASHO LAACIB.NET

Arsenal ayaa ku jirta qaab ciyaareed heer sare ah, taas oo ka muuqata booska ay kaga jiraan horyaalka Premier League. Dad badan ayaa hore u bilaabay inay sheegaan in Gunners ay sanadkan horyaalka qaadi doonaan, balse xiddiga kooxda Bukayo Saka ayaa ka digay in weli ay aad u horeyso in la sameeyo saadaal dhab ah.

Saka oo ka hadlayay xaaladda kooxda ayaa yiri:

“Weli waa goor hore.”

Wuxuu raaciyay:

“Markaan TV-ga daawanayay xilli hore oo aan dhaawac ku maqnaa, waxay ahayd qiyaastii ciyaartii saddexaad. Dadku waxay hore u bilaabeen inay ka hadlaan horyaalka. Laakiin weli waxaan joognaa Bishii October.”

Saka wuxuu ku booriyay kooxda inay diiradda saarto waxqabadka:

“Waa inaan sii shaqeynaa, sii guuleysanaa, dhisnaa kalsooni iyo xasillooni, kadibna aan aragnaa halka aan ku dambeyno marka xilli-ciyaareedku soo gabagaboobayo.”

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -