XIGASHO: LAACIB.NET
Bukayo Saka ayaa u magacaabay David Luiz iyo Pierre-Emerick Aubameyang ciyaaryahannadii doorka ugu weyn ku lahaa inuu kasoo muuqdo kooxda koowaad ee Arsenal.
Saka, oo ka hadlaya waayihiisii hore, ayaa yiri:”Way adag tahay in la sheego hal magac. Mar kasta waxaan ka hadlaa David Luiz iyo Pierre-Emerick Aubameyang; labaduba aad bay ii caawiyeen markii aan soo gelayay kooxda.”
“Sida ay iigu soo dhaweeyeen kooxda… aniga ahaan, waxaan ahaa wiil aad u aamusan… inaad imaato Arsenal oo aad la ciyaarto ciyaartoy aad ka daawan jirtay garoonka sare, waxay ahayd waayo-aragnimo kale oo aan dhihi karo waxay ahayd layaab.”
“Ma rabin inaan qof cidhiidhi geliyo ama aan khalad sameeyo, sidaas darteed waxaan doorbiday inaan aamuso. Laakiin raggan… sida ay ii soo dhaweeyeen, waxay iga dhigeen inaan is barto, waxayna i siiyeen talo, kalsooni iyo riixitaan.”
“Waad arkaysay markaan garoonka joogo, kalsoonida aan ku ciyaarayay. Taasi iyaga ayay iiga timid, iyo dabcan ciyaartooyda kale oo dhan, waxay ii caawiyeen sidaas oo kale.”
XIGASHO: LAACIB.NET
