Kooxaha burcad badeed loo yaqaan ayaa mar kale waxay dooni Ganacsi ka qafaasheen xeebta Degmada Eyl ee Puntland.

Dhacdadaan waxaa Jimcihii u xaqiijiyay saxaafada Hay’adda ganacsiga badaha u qaabilsan dowladda Ingiriiska ee (UKMTO) kadib markii uu afduubka dhacay

Advertisement

Hay’adaan inkastoo faahfaahin dheeraad ah aysan ka bixin dalka laga lahaa doonida ganacsi ayay hadana xuseen oo kaliya in koox hubaysani ka af-duubteen dooni ganacsi nawaaxiga xeebta Eyl.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii isla xeebta Eyl laga afduutay Dooni walow maalo kadib ay soo daayeen.

Falalkaan afduubka ayaa ku soo badanaya xeebaha Somali xili dhawaana ay soo baxeen warar sheegaya in xuutiyiinta Yeman iyo Burcad Badeeda Soomaalida is fahmeen uuna jiro wada shaqeyn u dhexeysa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleIsimada SSC Qaatumo oo ku dhawaaqay ineysan shaqa ku laheyn xulashada barlamaanka Puntland
Next articleMeydadka Muslimiinta oo daadsan waddooyinka Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here