Howlgal Ciidamada Dowlada Somalia ka sameeyeen deegaanka Ceelasha biyaha ayay ku soo qab-qabteen burcad dadka dhici jirtay.

Burcadaan waa koox ciidamada Dowlada ka tirsan oo dareyskii ay shacabka ugu shaqeyn lahaayeen si xun u adeegsaday.

Advertisement

Ciidamadaan la soo qabtay ee burcada ah waxay ku dhaqaaqeen inay gudaha Ceelasha dhigteen jag-boynti ay isaga dhigi jireen inay amniga ku sugayaan balse dadka ayay si dadban ugu dhici jireen.

Qaar ka mida dadka deegaanka ayaa sheegay inay ciidamadaani marka ay gaadiidka istaajiyaan iska dhigi jirey inay amni ahaan u baarayaan balse wax kasta oo fudud sida Mobile-da ay gurubsan jireen ka hor intaan la soo qaban.

Xabsiga ayaa loo taxaabay waxaana lala qaaday agabyadii ay dadka ka dhici jireen sida Taleefoon gacmeed-yada loo yaqaan Mobile-da

Maxkamada Ciidamada ayaa lagu wadaa in la soo istaajiyo si loogu marsiiyo ciqaabtooda.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleItoobiyaanku maxay ugu faraxsan yihiin warka QM Ka soo saareen Badda Somali
Next articleMasuuliyiin kormeeray laamiyo loo diyaarinaayo nidaamka wadomarista wadooyinka.+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here