Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaar ahaan saldhigga degmada Dayniile, ayaa gacanta ku soo dhigay labo eedaysane oo lagu kala magacaabo D/le Maxamed Cali Xuseen iyo D/le Xasan Aadan Xuseen, kuwaas oo lagu soo qabtay iyagoo dhac ka geysanaya gudaha degmada Dayniile, gaar ahaan waaxda Kordamac.
Eedaysnayaasha ayaa ku jira gacanta Booliska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda ku shaqada leh si sharciga loogu waafajiyo.


