HomeWarkiiBurcad midiyo ku hubeysan oo ka dilaacday Nairobi

Burcad midiyo ku hubeysan oo ka dilaacday Nairobi

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Qeybo ka mid ah Magaalada Nairobi ayaa la sheegayaa inay ka dilaaceen kooxo burca ah oo ku hubeysan mindiyo iyo baangado kuwaasoo dadka dhacaya gaar ahaan Mobile-lada .

Kooxahaani waxay dhacayaan dadka ajaanibta ah sida Soomaalida, kooxahaani waxay aad ugu badan yihiin oo laga soo sheegaya halka Baratamaha Nairobi gaar ahaan halka loo yaqaan Town-ka halkaasoo ah meesha ay ku sugan yihiin ajaanibta ugu badan.

Town-ka Nairobi waxaa si weyn uga jira  Ganacsiyo Soomaalidu leeyihiin, waxayna Burcadu dadka kala dooran siiyaan in la dilo ama inuu Mobile-ka iska soo dhiibo, dhalinyarada Soomaalida ayaa hada bilaabay inay is gaarsiiyaan khatarta soo korortay.

Boqolaal Soomaali ah ayaa u shaqa taga Town-ka subax kasta kuwaasoo badankood ah shaqaale inkastoo ay ku jiraan kuwo aan badneyn oo ah dadka ganacsiyada ku leh halkaasi.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -