CALMIS-KAAD (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Gobolka Bari-Puntland ayaa sheegaya in maanta gacanta lagu dhigay madaxa maaliyadda ninkii ugu qaabilsanaa Kooxda Daacish ee Soomaaliya ka dagaalanta.
Sarkaalkaan oo lagu magacaabo C/weli Maxamed Yuusuf (Cabdiweli Walalac) ayaa wararu waxay sheegayaan in lagu soo qabtay howlgal gaar ah oo ciidamada Mareykanka ee loo yaqaano AFRICOM ayaa maanta ka sameeyeen buuralayda gobolka Barri ee Puntland.
Wararka ku saabsan howlgalkaan oo si gaara uga dhacay deegaanka Laag oo u dhow Xumbays ayaa intaasi ku daraya in howlgalka sidoo kale sarkaal C/weli lala soo qabtay laba kale oo isla kooxdaasi kala tirsan.
Si kastaba marka la eego howlgalkaani oo dhowr bilood socda ayaa waxaa ay guul weyn u tahay maamulka Puntland in maanta gacantooda la soo geliyo sarkaalkii Daacish u qaabilsanaa Maaiiyada kaaskoo waliba sidoo kalana ka tirsan hogaanka sare ee Daacish.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
