Buurta Volcano Semeru ee dalka Indonesia ayaa qaraxday, waxaana cirka isku shareeray dambas, taasoo keentay in dadka laga daadgureeyo jasiiradda Java ee dalkaasi.

Maamulka ayaa kor u qaaday heerka digniinta foolkaanada ama qaraxa, heerkii ugu sarreeyey, taasoo la micno ah in dhaqdhaqaaqiisu uu kordhay.

Lama soo sheegin wax dhaawac ah, balse ku dhawaad ​​2,000 oo qof, ayaa laga daad gureeyay agagaarka Foolkaanaha.

Dadka ayaa lagu booriyay inay ka fogaadaan ugu yaraan 8 km (5 mayl) goobta, sababtoo ah “bus badan”, ayaa ka kacday buurta Semeru.

Kordhinta heerka khatarta ah ee saddex ilaa afar, ayaa waxay sidoo kale la macno tahay in khatartu ay halis gelinayso guryaha dadka, afhayeen u hadlay xarunta Indonesia ee Foolkaanaha iyo Yaraynta Khatarta Juquraafiga (PVMBG), ayaa u sheegay warbaahinta qaranka.

Ururka ayaa sheegay in buundada duntay dib u dhis lagu sameynayo, kadib markii uu qaraxii Volcana-ha uu burbur xooggan soo gaarsiisay.

Dambaska foolkaanaha oo lagu daray roobab mahiigaan ah, ayaa gaarey tuulooyinka u dhow goobta qaraxu ka dhacay, waxaana la daad gureeyay 1,969 oo qof, oo ay ku jiraan caruur iyo waayeel, ayay lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxaya Hay’adda Kahortaga Musiibooyinka Qaranka (BNPB).

Ugu yaraan lix tuulo, ayay saamaysay, ayaa sidoo kale lagu sheegay warka

 

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here