HomeWarkiiC/casiis Lafta-gareen muxuu kala hadlay Wakiilka Qaramada Midoobe+SAWIRRO

C/casiis Lafta-gareen muxuu kala hadlay Wakiilka Qaramada Midoobe+SAWIRRO

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Wakiilka Xoghayaha guud Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Ambasidor James Swan oo ay wehliyaan Diblomaasiyiin kale oo maanta safar shaqo kuso gaaray Magaalada Baydhabo.
Kulanka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen iyo Ambasidor James Swan oo ahaa mid saacado qaatay waxa ay uga wada hadleen Xoojinta xiriirka Dowladda Koonfur Galbeed iyo Qaramada Midoobey, Diiwan-Gelinta Cod Bixiyaasha, Taageerada Hay’adaha Qaramada Midoobey ee dhanka horumarinta iyo Gargaarka Bani’aadannimo, Dadaallada Nabadda iyo Amniga, gaar ahaan Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo Horumarinta Adeegyada Bulshada iyo Barnaamijyada Dowlad-dhisidda.
Madaxweyne Laftagareen ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobey kaalinta ay ka qaadanayaan taageerada Soomaaliya, halka Ambasidor James Swan uu ku ammaanay Dowladda Koonfur Galbeed sida ay uga shaqeeyaan Arrimaha Nabadda iyo Xasilloonida.
kulanka Madaxweynaha waxaa ku wehlinaayey Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta, Arimaha Gudaha, Haweenka iyo Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Koonfur Galbeed.May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 7 people, suit, car and wedding
May be an image of 2 people, the Oval Office and textMay be an image of 7 people, lighting, piano, dais and indoorsMay be an image of 4 people, beard, suit and weddingMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 people, beard, suit and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 1 person, the Oval Office, dais and textMay be an image of 1 person, dais, the Oval Office and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and text that says 'อววง'May be an image of 5 people, dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -