Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Caawa Xarunta Madaxtooyada KGS ee Magalaada Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle.
Kulankaan waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush,Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka KGS.
Kulaankaan ayaa looga hadlay Qaban-qabada shirka Madasha iskuwidda Arrimaha Bini’aadanimada oo Baydhabo ka furmaya Maalmaha soo socda,Xaalada El-Niño ee wadankeena ku soo wajahan taas oo wadata Roob xoogan sababi kartana fatahaado iyo Daadad,Shirkaan waxaa ka qeybgalaya,Hay’adda Maareynta Musiiboyinka, Wasiiradda Gargaarka Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.
XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA
May be an image of 5 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 1 person and dais
Previous articleLafta-gareen oo loo sameeyay soo dhaweyn siyaasadeed
Next articleWararkii ugu danbeeyay Qorshaha dib u xoreynta Ceel-buur iyo Degmooyinka ku dhaw

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here