Baydhaba (dayniiile.com)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur-galbeed C/casiis Maxamed Xasan (Laf-gareen) iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Diinsoor ee Gobolka Bay.
Madaxweynaha waxaa la sheegay inuu Diinsoor u tagayo xalinta xiisad ka dhalatay dil loo geystay Gudoomiye xigeenkii Magaalada Diinsoor.
Madaxweyne Lafta-garen waxaa lagu wadaa inuu la kulmo masuuliyiinta iyo waxgaradka Diinsoor si loo dhameeyo xiisad beeleedka sababay dilka Gudoomiye xigeenkii Magaaladaasi.
Maleeshiyo beeleedkii dilay Masuulka waxaa la sheegay inay aano qabiil darteed u gaysteen falkaasi islamarkaana xiisadii ka dhalatay ay wali ka taagan tahay Magaalada Diinsoor.
Lafta-gareen waxaa lagu wadaa inuu wado kasta u maro sidii uu u xalin lahaa xiisad beeleedkaasi oo xanabi kara shaqooyinkii bulshada loo qaban lahaa.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here