
Shirweynaha lagu doortay Qalbi-dhagax waxaa ka qeybgalay in ka badan 300 xubnood oo ururkaasi ka tirsan kuwaasoo sanduuqa doorashada ku kala saaray labada musharax ee kala ah Cabdikarin Muuse Qalbi-Dhagax iyo Mohamed Shariif.
Qalbi-dhagax wuxuu helay 187cod halka musharaxa la loolamayay uiu ka helay 138 cod sidaasna waxaa si rasmi ah ku noqday hogaanka ugu sareeya ee ONLF halgamaa C/kariin Muuse Qalbishagax.
Dhawaan ayay ahayd markii in Komishinka doorashoyinka Itoobiya xilkii ka hakiyay Gudoomiyihii hore ee ururka ONLF, markaasoo aqoonsi ay siiyeen C/kariin Muuse Qalbi-Dhagax oo xiligaasi noqday ku simaha hogaanka ONLF balse ugu dambeyn hada ayaa si rasmi ah loogu doortay hogaanka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM