HomeWarkiiWararkii ugu danbeeyay xasuuqa lagu hayo reer Gaza

Wararkii ugu danbeeyay xasuuqa lagu hayo reer Gaza

QAZA (DAYNIILE.COM)-Duqeymaha aan kala joogsiga lahayn ee Israa’iil ay ku hayso Marinka Gaza ee go’doonsan ayaa sii socda, iyadoo ugu yaraan 27 falastiiniyiin ah lagu dilay tan iyo waaberigii saaka, oo ay ku jiraan dhowr qof oo gargaar doon ahaa.

Hal weerar ayay Israa’iil ku dileen ugu yaraan 51 qof oo gargaar doonayey halka 648 kalena ay ku dhaawacmeen xilli ay ku soo dhawaadeen isgoyska Zikim oo ay ku socdeen baabuur gargaar oo soo galayay waqooyiga Qaza.

Isbitaallada Gaza ayaa diiwaangeliyay todobo dhimasho oo cusub oo ka dhashay gaajada ,raashin la’aanta,macaluul iyo nafaqo darro heysata shacabka reer Gaza taasoo sare u qaaday tirada guud ee dhimashada dadka gaajada u dhimanaya waxayn gaartay 154, oo ay ku jiraan 89 carruur ah, tan iyo Oktoobar 2023.

Ra’iisal wasaaraha Canada Mark Carney ayaa sheegay in dalkiisu uu golaha guud ee Qaramada Midoobay u aqoonsan doono dowlad ay leeyihiin Falastiiniyiinta bisha September, isagoo sheegay in loo baahan yahay in xal laba dowladood ah laga gaaro colaadda.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 60,138 qof, waxaana ku dhaawacmay 146,269 kale. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii uu socday weerarkii ay Xamaas hoggaaminaysay Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.LIVE: Israel’s attacks on Gaza kill 27 as starvation deaths mount

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -