C/MAALIK YUUSUF: Nasiib darrada jirtaa waxay tahay Soomaalidu kuma baraarugsana in codkoodu macno sameynayo.

0

Hay’adda Dalmar waxay ka mid tahay kuwa ugu fac wayn hay’adaha iyo ururada Soomaalida waddanka Holland, waxaana fadhigeedu yahay Magaalada Denhaag oo ka mid ah magaalooyinka ay dagaan mushtamaca Soomaalida.

Inkastoo Magaaladaasi ay ka jiraan ururo iyo hay’ado kale oo Soomaali ah, haddana Dalmar waxay kaga duwan tahay ururadaasi xiriirka iyo wada-shaqaynta ay la leedahay wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda Holland, iyada oo xubin firfircoon ay ka tahay dalladda guud ee ay ururada Soomaalida Holland ku mideysan yihiin ee loo soo gaabiyo FSAN.

C/maalik Yuusuf wuxuu ka mid yahay aasaasayaashii Dalmar, isaga oo safka hore kaga jira shaqsiyaadka raasumaalka  iyo qiimaha gaarka ah bulshada ugu fadhiya, waxaanna wareysi aynu la yeelanay C/maalik uu u dhacay siddatan:-

 

SU’AAL: Muxuu  yahay waxqabadka ama doorka Hay’adda Dalmar  ee ku aadan Soomaalida ku dhaqan  Denhaag iyo Magaalooyinka ku dhowdhow.?

 

C/MAALIK: Dalmar waa hay’ad ay howsheedu tahay in ay dadka Soomaalida caawiso, kana caawiso sidii ay dalkan shuruucdiisa u fahmi lahaayeen. Dalmar wacyigelinta ay samayso waxay Soomaalida u marisaa dhanka saxaafadda, 2 raadiyo ayaan aasaasnay waxaanna ka bixi jiray barnaamijyo wacyigelin ah.

 

SU’AAL: Intii muddo ahayd Radiyowga Dalmar hawada sooma aydnaan gelin maxaa u sabab ah.?

 

C/MAALIK: Isbedel ayuu dunidda ku keenay “Social media” shaqooyinkii ay warbaahintu qaban jirtay waxay dadku kala socdaan baraha bulshada, kuwa Soomaali ah oo shaqadaas qabanayana waa ay soo baxeen.

 

SU’AAL: Waxaa jira hay’ado cilmi baaris ku sameeya  dib u dhaca iyo horumar wixii ay sameeyeen dadyowga ajnabiga ah ee dalkan ku sugan, Soomaalida inta badan waxaa la geliyaa kaalimaha ugu hooseeya haddeey tahay waxbarashada, shaqada iyo isdhexgalka maxaa u sabab ah ayay kula tahay.?

 

C/MAALIK:  Annagu hadda ka hor cilmi baaris ayaa la sameynay Jaamacadda Nijmegan, xaqiiqdu waxay tahay  dadka qaxootinimada dalkan ku yimid ma helaan fursadaha ay heleen dadkan cadaanka ah, tusaale annaga Soomaalida ah inteenna badan waxaannu dalkan nimid innaga oo aynaan diyaarsanayn oo duruufo dalkeena ka jiray awgeed ayaa halkan ina keenay, dhibaatada kale ee ina haysata waxay tahay ma nihin bulsho isku xiran oo waynu kala firirisanahay, caruurtu marka ay waxbarashada heerarkeeda kala duwan marayaan waa in waalidka iyo caruurtu isfahmi karaan, waayo caruurtu way u fududahay in ay durba luqada bartaan, lana qabsadaan hab nololeedkan, balse waalidku haddii aysan la saanqaadi karin caruurta waxaa halkaas ka dhalanaya in caruurtu u arkaan in ay iyagu ka aqoon badan yihiin waalidiinta, marka dhibaatooyinka waalidiinta Soomaalida haysata waxaa ka mid ah in iyagii iyo caruurtoodii aysan isfahmayn.

SU’AAL: Waxaan la soconaa in ay jiraan dhalinyaro wiilal iyo gabdho ba isugu jira oo dalkan ka noqday garyaqaanno, dhaqaatiir iyo kuwa hay’ado caalami ah iyo wasaarado NL ah la shaqeeya ma jiraa [Plat form] ama Gole aad ku kulantaan si aad isu waydaarsataan wixii khibrad iyo talo ah.?

 

C/MAALIK: Hadda ka hor waxaan ka tirsanaan jiray ururka ardayda Soomaalida ah ee Jaamacadaha wax ka barta, annaga xilligeenii markeey qalin jebiyeen  waxaan lahayn dhaqan isku xirnaan ah, hadda taas meesha waa ka baxday qof kasta howshiisa ayuu  wataa, dadkii hore aad ayeey isugu xiran jireen, laakiin urur  ay iminka ku mideysan yihiin dadka Soomaalida ah ee “ilite” ka ah ma maqal.

 

SU’AAL: Waxaa jirta eedo la idiin jeediyo adiga iyo saaxiibadaa oo la idin leeyahay;  saxafiyiinta Soomaalida ee Holland ku sugan oo tiro ahaan aad u badnaa, ma aydnaan siin fursadihii  ama ay wax idin kaga kororsan lahaayeen ama ay aqoontooda ugu soo bandhigi lahaayeen oo albaabada ayaad ka xirateen.?

 

C/MAALIK: Waxba kama jiraan waxaan xasuustaa suxufiyiintii soo galay dalkan intii u dhexeysay 2005-2010 waxaan u qabanay shir wayn, oo  martiqaad ayaan u fidinay, waxaan waydiinay maxaan idin la qabanaa.? Guddi ayaa la magacaabay, nasiib darro qof kasta howl iyo shaqo ayuu ku jiray mana jirin cid innagu soo laabatay. Tabartayadu ma buurna, waxaa jira dhalinyaro ka tirsan raadiyaheena oo ka shaqeeya intii dedaalkeena ina gaarsiin karay waa samaynay.

 

SU’AAL: Magaaladan Denhaag ee ururkiinu ku shaqeeyo, waxay ka mid tahay Magaalooyinka ay dagan yihiin Soomaalida ugu badan, xilliyada dalkani ay doorasho ka dhacayso Soomaalidu ma u mideysan tahay xisbiga ay u codaynayaan.?

 

C/MAALIK: Nasiib darrada jirtaa waxay tahay Soomaalidu kuma baraarugsana in codkoodu macno sameynayo, kuwii 30 ka sanno waddanka joogay ayaa ku kari waynay war kaalaya codeeya, dalkaan waxaa jira xisbiyo ka soo horjeeda xuquuqda la siinayo dadka ajnabiga ah, waxaa dhici jirtay marka ay doorasho dhacayso  inaan dadka Soomaalida iyaga oo guryahooda jiifa aan saxiix ka soo qaadi jiray, Soomaalidu waxaan u maleynaya kuma aysan baraarin in ay codeeyaan,  doorashadu  aad ayeey muhiim tahay waxay go’aamineysaa adiga mustaqbalkaaga iyo masiirkaaga waa in lagu baraarugaa.

 

 

SU’AAL: Maadaama DALMAR ay ka tiran tahay FSAN, waxaa jira Soomaali tiro badan una badan hooyooyin iyo caruur, u baahan in siyaabo kala duwan loo caawiyo, ma jirtaa qorshey ay FSAN ugu talogashay in ay kula socoto dadka Soomaalida ah ee magaalooyinka ay dagan yihiin aysan wakiilo ku lahayn FSAN.?

C/MAALIK: Su’aashaas waxay ku fiicnaan lahayd inaad waydiiso FSAN maamulkeeda, waxaan kuu xaqiijinayaa in  Denhaag iyo Amsterdam habeen iyo maalin waxay u taagan tahay in ay dadkeeda caawiso dhammaan meelaha ururadu ka jiraan, dalkaan nidaamkiisu waa taqaan tuulo ayaa laga yaabaa in ay dagan yihiin dad u baahan in la caawiyo. Guddoomiyaha FSAN Cali Waare waa shaqsi Soomaalidu aad u taqaan, waa ninka keligii inta uu baxo ugu tago tuulooyin dad Soomaali ah oo u baahan in la caawiyo.

 

SU’AAL: Dad badan, oo ka mid ah jaaliyadaha Soomaalida marka ay maqlaan Dalmar durba waxaa ku soo dhacaya C/maalik & C/wahaab [Yariisoow] ma jiraan ashqaas oo Dalmar howlwadeenno ka ah.?

 

C/MAALIK: Dalmar dad badan baa howlwadeenno ka ah,  awal waxaa la arki jiray Asad. Axmed C/wahaab aasaasayaasha ayaan ka wada tirsanahay aniga shaqo kama qabo hadda inaan mar mar iska caawiyo ma ahane, laakiin howsha isaga ayaa wada.

 

SU’AAL: Maadaama aad tahay dadka dalkan wax ku bartay oo aad tahay aqoonyahan buuxa,  waxaad ii sheegtaa 123  waxa C/maalik lagugu xasuusan doono.?

 

C/MAALIK: Dadkii aan soo wada shaqaynay ayeey ila tahay in su’aashaas la waydiiyo. Anigu ilaa ardaynimadeydii waxaan isku jeclaa inaan dadkeyga wixii aan wax tari karo  taro, inkastoo  tabartaydu yarad haddana  marka aan shaqada iyo waxbarashada ka soo jeesto waqtiga ii haray inaan geliyo caawinta dadkeyga waa  ku faraxsanaa,   ha noqto dad aan sharciyadda la raadiyo ama kuwa aan siyaabo kala duwan u caawiyo, sidoo kale, kaalin wanaagsan ayaa ka qaadanay aniga iyo saaxiibadeey dib u dhiskii dalka, waxaan ka mid ahaa dadkii abaabulay banaanbaxyadii lagaga soo horjeeday sheegashada Kenya ee badda Soomaaliya, sidoo kale bannaabaxyadii Itoobiyaanka lagaga soo horjeeda dadkii ka soo shaqeeyey ayaa ka mid ahaa,  qashinkii badda lagu daadiyey dalkii banaanbaxyada lagag soo horjeeda soo qabanqaabiyey ayaa ku jiray, anigu ha lagugu xasuusto isma lahayne waxaan u arkayey inaan ahay muwaadin gudanayay waajib dalkiisa ka saaran.

 

SU’AAL: Maadaama aad ka mid ahayd dadkii aasaasay xisbigii Hiil-Qaran halkuu ku dambeeyey.? Mase ku talo jirtaan inaad doorashada soo socota ee Soomaaliya ka qaybgashaan.?

 

C/MAALIK: Hiil-Qaran waxan ka mid ahaa  dadkii aasasay, muddooyinkii u dambeeyey waxaan ku jirnay diyaargarow inkastoo cudurkan Covid 19 uu adduunkii kala xiray haddana waxaan kuu xaqiijinayaa haddii doorashada dalka ka dhacdo in aan ka qaybgeli doono.

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xassan

E-mail: shakuurcadde73@hotmail.com

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here