Xildhibaan C/qaadir Cosoble  ayaa si kulul ugafal celiyay  habka ay Dowlada Soomaaiya ula macaamisho maleeshiyo Beeleedyada Soomaaliyeed ee loo yaqaa Macawisleey kuwaasoo Dowlada ku garab siiya dagaalka Alshabaab.

Siyaasiga C/qaadir Cosoble ayaa ku eedeeyay Dowlada inay hogaankii Ciidamada u dhiibeen maleeshiyaadka Macawisleey halkii ay Ciidamada Xooga shaqadaasi lahaayeen.

Advertisement

Masuulkaan wuxuu tilmamay inay ceeb tahay adeegsiga magaca qabiilka isagoo tusaale u soo qaatay ciidamada reer hebel ayaa halkaas ka dagaalamaya ama ku duulay halkii laga isticmaali lahaa magaca qarankeena sida uu warka u dhigay.

Wuxuu intaas ku daray inay wanaagsan tahay qorshaha Madaxweyne ee la dagaalanka Alshabaab balse ay tahay in dagaalka ay hogaamiyaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“maxaa loo dhisay Ciidamada Qaranka,maxaa loo soo tababaray, maxaa loo mushaar siinayaa hadii ay shaqadii ay lahaayeen la siinayo maleeshiyo beeleedka”ayuu yiri C/qaadir Cosoble.

 

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

 

Previous articleLaba maleeshiyo Beeleed oo isku hor fadhiya deegaan hoos taga Degmada Mahaday.
Next articleRa’iisulwasaare Xamze oo Dooxa warbixin ku siiyay Saraakiil Soomaaliyeed+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here