HomeWarkiiC/rashiid Janan "Axmed Madoobe dowladnimadii waa diiday, waana dhab in Dowladu Gedo...

C/rashiid Janan “Axmed Madoobe dowladnimadii waa diiday, waana dhab in Dowladu Gedo ka dhiseyso Maamul reer Jubalan oo dhan ay iska dhex arki doonaan”

BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)-Madaxa Amniga Gobolka Gedo iyo Taliyaha Nabad sugida iyo sirdoonka ee Gobolka Geddo C/rashiid Janan ayaa mar uu maanta la kulmay qeybaha bulshada iyo Odey dhaqameedyada Degmada Balad-xaawo wuxuu kaga hadlay arimo kala duwan sida shirkii fashilmay ee doraad ku dhexmaray Kismaayo Madaxweynaha Somalia iyo Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo sameynta Jubalan-ta cusub.

“Axmed Madoobe Dowlad-nimada waa diiday,ciidan buu ku heysta Gobolka Jubada -hoose waadna ogtihiin Dowladuu kula diriray ,reer Geddo waa inay isu diyaariyaan horumarinta deegaanadooda iyo Dowladnimada “ayuu yiri C/rashiid Janan

Masuulkaani wuxuu intaasi ku daray in Dowlada Somalia ay dhab ka tahay inay sameyso Maamul cusub isaganuna uu balan qaadayo ayna dhab tahay lagana shaqeynayo Maamul loo sameynayo Geddo oo ay Dowlada Soomaaliya masuuliyadeeda qaada.

Sidoo kale wuxuu sheegay C/rashiid Janan in Maamulka ay Dowladu ka dhiseyso Gedo inuu iska dhex arki doono qo kasta oo reer jubaland ah oo ay cadalad ka wada heli doonaan.

“waxaa lagama maar maan ah in reer Gedo isku diyariyaan,barwaaqeynta,geedi socodka nabada,Dowladnimada ,sharaf soo celinta iyo qaranimada Soomaaliyeed inay lanbarka koowaad ka noqdaan”ayuuu yiri C/rashiid Janan.

Maamulka Jubalan-ta cusub ee Dowladu ku howlan tahay waxaa hore loo shaaciyay in xaruntiisu noqon doonto Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Geddo.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -