HomeWarkiiC/rashiid Janan oo loo magacaabay Taliyaha NISA ee Jubbaland iyo Madaxa Amniga...

C/rashiid Janan oo loo magacaabay Taliyaha NISA ee Jubbaland iyo Madaxa Amniga Gobolka Gedo.

GARBAHAAREEY (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo xoogeysanaya wararka sheegaya in C/rashiid Xasan C/nuur (C/rashiid Janan) loo magacaabay Taliyaha NISA ee Jubbaland ahna Madaxa Guud ee Hey’addaha Amniga Gobolka Gedo.
Magacaabista C/rashiid Janan oo hore u soo noqday Wasiirkii Amniga Jubbaland ayaa ku soo aadeysa xili Dowlada Somalia qorsheyneyso inay xaqiijiso amniga Gobolka Gedo si ay halkaasi ugu danbeyn uga dhawaaqdo madaxweyne cusub oo uu yeesho Maamulka Jubaland madaama Dowladu aqoonsaneyn Axmed Madoobe.
Sanadkii ugu dambeeyay waxaad aad looga dareemayay Gobolka Gedo dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay damacsan tahay Dowladda Federaalka taasoo laftigeeda sii kordhin karta xiisada iyo khilaafka u dhexeeya Dowlada iyo Axmed Madoobe.
Maamulka Jubaland oo doonaya inay ka hortagaan dhaq dhaqaaqa Dowlada ayaa bilo ka hor waxay Gobolka Gedo u direen madaxweyne ku xgeenka 1-aad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan kaasoo ciidamo ku urursanaya duleedka Magaalada Balad-xaawo kadib markii uu ka soo galay dhanka Xuduuda Kenya.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -