BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)-Kadib guul-daradii maanta Magaalada Balad-xaawo ku qabsatay Taliyaha NISA ee Gobolka Geddo C/rashiid Janan ayuu⁰ saacado kadib soo hadlay isagoo ku sugan banaanka Balad-xaawo.
C/rashiid Janan wuxuu ku eedeeyay AXmed Madoobe inuu la ka dambeeyay dagaalkii maanta ma dhacay Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo wax yar kadib markii uu ku yimid mid ma mida diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamaxa Xoogga .
“Axmed madoobe waxaa ka dhex shaqeynaya dowlado Shisheeye, lacag uu soo diro ayuu dadka ku laynayaa waana ayaan daro inuu maanga ku guuleystay I uu reer Gedo dagaal ka dhex rido”ayuu yiri C/rashid Janan.
Mar uu ka hadlayay sida fudud ee magaalada loga saaray ayuu ku sheegay inuu isagu amray ciidamadu inay ka baxaan Xarumaha Dowlada ee ciidamada Dowladu ku sugnaayeen,
“Ciidanka Dowladda anigaa amar ku siiyay In ay Magaaladda ka soo baaxaan, haddana Waxan ku suganahay Banaanka Magaaladda” ayuu yiri C/rashiid Janan
Hadaba halkaan ka daawo muuqaalka C/rasjiid Janan oo aan ka soo xiganay ShabelleTv.
