BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)-C/rashiid Janan oo ah Taliyaha Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Gobolka Geddo ahna madaxa amniga Gobolka Geddo ayaa booqday dhufeysyadii saaka laga saaray ciidamada maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe, wuxuuna markii ugu horeysay Dowlada Kenya ku eedeeyay inay maleeshiyaadka Axmed Madoobe ka caawinayaan dagaalka.
C/rashiid Janan wuxuu ku eedeeyay Dowlada Kenya in dhufeysyada ciidamada Axmed Madoobe ay iyaga u qodeen islamarkaana loo adeegsaday gaadiidka cagcagafta loo yaqaan xili warbaahinta uu tusay cagaha ama taayarka cagafta ee ka dhex muuqatada dhufeysyada laga saaray reer Jubaland.
“in Cagaf dal kale laga keenay ay cidiamo burcad ah oo dalka Somalia dhibaatenaya oo qaranimada Somalia diidan inay nuucaan ugu qodaan cagafyada Kenya wax la aqbali karo maaha”ayuu yiri Crashiid Janan
Sidoo kale C/rasjiid Janan wuxuu Dowladda Kenya, kana dalbaday inay dib u soo celiso gaadiidka ay ku buufsan yihiin caalamadaha booliiska iyo Milateriga qaranka Somalia iyo hubka ay la galeen Kenya ciidamadii taageersanaa Axmed Madoobe
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
