HomeWarkiiC/rashiid Janan oo ugu baaqay shacabkii ka barakacay Magaalada Balad-xaawo inay ku...

C/rashiid Janan oo ugu baaqay shacabkii ka barakacay Magaalada Balad-xaawo inay ku soo laabtaan guryahooda

BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)-C/rashiid Janan oo Taliyaha Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee Gobolka Geddo ayaa  BBC-da uga warbixiyay dagaalkii shalay ciidamadiisu uga danbeyn kaga adkaadeen kuwa Maamulka Jubaland.

C/rashiid Janan wuxuu bbc-da u sheegay inay si buuxda ula wareegeen Magaalada Balad-xaawo islamarkana ay  hada dib  soo laabatay isgaarsiintii Magaaladaasi oo go’neyd mudooyinkii danbe ee dagaaladu socdeen.

Sidoo kale C/rashidi Janan wuxuu xusay in korontadii xitaa dib loo soo shiday oo hada xaalada Magaladaasi si caadi ah ugu soo laabatay xasiloonadii lagu yaqaanay.

“sidaad ogtihiin 22-kii bishaan ayaan imid Balad-xaawo ilaa waqtigaasi caqabado ayaa taagnaa oo dagaalana way socdeen laakiin hada xaaladu waa degan tahay, dhamaan xarumihii Dowlada waxaa hada gacanta ku hayaa ciidamada Dowlada Somalia sida kastamka imagarashinka xuduudaha Kenay aan la leenahay, saldhigii Balad-xaawo iyo xaruntii Degmada”ayuu yiri C/rashidi Janan

Dhanka kale C/rashiid Janan wuxuu ugu baaqay shacabkii deganaa Magaalada Balad-xaawo inay is dejiyaan kuna soo laabtaan guryahooodii xili la ogyahay intooda badan inay u barakaceen dhanka Mandera halkaasoo Dowlada Kenya ay ku soo dhaweysay.

 XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -