HomeWarkiiC/raxmaan C/shukur "Dowladu ha ogaato in barakicinta iyo caddaaladdaradu ay sababi doonto...

C/raxmaan C/shukur “Dowladu ha ogaato in barakicinta iyo caddaaladdaradu ay sababi doonto burbur iyo dawlad la’aan”

C/raxmaan C/shukuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu si adag kaga hadlay howsha barakicinta Dowlada ay ka wado Magaalada Muqdisho isagoona carabka ku adkeeyay inay burbur dowladnimo keeni karto.
Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame  wuxuu sheegay inay isku xirmeen madaxda sare ee laamaha amniga, qaar ka mid ah ganacsatada dagaalka ka macaashta, iyo hoggaanka sare ee siyaasadda, kuwaas oo naxariis iyo jixinjix gooyey.
“Ha ogaadeen kuwa gaboodfalaya iyo horwaynta kale ee ku eeganaysa in caddaaladdaradu ay sababi doonto burbur iyo dawlad la’aan aynu dhammaanteen u sinnaan doono. Dulmigu waa cunsur dawladnimada burburiya, cadliguna waa kan qotomiya seeska dawladnimada” ayuu yiri Xildhibaanka
Hadaba halkaan ka akhriso warbixinra Xildhibaanka oo sidiisa u qoran:-
Rajiimka talada hayaa wuxuu dalka ku wadaa dhabihii wadanka Hayti.
Waxa isku xirmay madaxda sare ee laamaha amniga, qaar ka mid ah ganacsatada dagaalka ka macaashta, iyo hoggaanka sare ee siyaasadda, kuwaas oo naxariis iyo jixinjix gooyey.
Awooddii dawladda ayey kooxdan isku xiran u adeegsanayaa barakicinta, dhaca iyo argagax gelinta shacabka, si gaar ah danyarta aan is daafici karin.
Tani waa sababta Booliskii qaarkii shacabka u barakicinayo, halka kuwo booliskii ka mid ah ay ka cabanayaan in iyaga la barakicinayo oo dhulkoodii laga iibiyey siyaasiyiin, ganacsato iyo odayaal dhaqan.
Ha ogaadeen kuwa gaboodfalaya iyo horwaynta kale ee ku eeganaysa in caddaaladdaradu ay sababi doonto burbur iyo dawlad la’aan aynu dhammaanteen u sinnaan doono. Dulmigu waa cunsur dawladnimada burburiya, cadliguna waa kan qotomiya seeska dawladnimada.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -