HomeWarkiiC/raxmaan C/shukuur oo beeniyay in Madaxweyne Xasan uu dhisay Madaxtooyada Qaranka

C/raxmaan C/shukuur oo beeniyay in Madaxweyne Xasan uu dhisay Madaxtooyada Qaranka

Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka kuwooda ugu waa weyn ayaa qoraal uu goor dhaw soo saaray wuxuu kaga hadlay dib u dhiska quruxda badan ee Madaxtooyada Qarabka lagu sameeyay.

C/raxmaan C/shukuur wuxuu beeniyay oo gabi ahaanba uu meesha ka saaray in Madaxweyne Xasan uu isagu dhisay Madaxtooyada oo lacagta dowlada uu ka dhisay,wuxuuna xusay in Dowlada Turkey ay dhistay Madaxtooyada sida uu warka u dhigay.

“Madaxweynuhu wuxuu maalmahan si ku celcelis ah inoogu soo bandhigaa dhismaha bilicda leh ee madaxtooyada ee ay inoo dhistay dawladda aan walaalaha nahay ee Turkiga.” ayuu yiri C/raxmaan C/shukuur Warsame.

Siyaasigaa wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Xassan inuu Dowladnimadii ka dhigay dhisme bilicsan halkii ay ka ahayd nidaam, hay’do iyo habdhaqan ku dhisan qiyam, xaqsoor, sarayn sharci iyo sinaan.

Haddaba halkaan ka akhriso qoraalka C/raxmaan C/shukuur oo sidiisa u qoran:-

Madaxweynuhu wuxuu maalmahan si ku celcelis ah inoogu soo bandhigaa dhismaha bilicda leh ee madaxtooyada ee ay inoo dhistay dawladda aan walaalaha nahay ee Turkiga
Sidiiyo ay Dawladnimadu tahay dhisme bilicsan ee aysan ahayn nidaam, hay’do iyo habdhaqan ku dhisan qiyam, xaqsoor, sarayn sharci iyo sinaan.
Madaxweynaha waxaa laga sugayey dhismaha hay’ado garsoor oo dadka u caddaalad fala, kuwo nabadgelyo oo shacabka ilaaliya, sharcigana fuliya, kuwo adeeg bulsho iyo horumar ka shaqeeya, kaadir diblumaasi oo leh karti, xirfad iyo aqoon uu danta dalka ku jiro, iyo ciidan dalka xuduudihiisa iyo gobonnimadiisa difaaca, intaa ka korna in la helo dastuur heshiis lagu yahay iyo sharci marjic ah.

Markii uu ku guuldaraystay meelmarinta ajandaha dawlad dhiska, ayuu Madaxweynuhu doonayaa in uu dhisme qurxan nagu indha sarcaadiyo, inaguna waxaan leenahay, Madaxweyne dhisme waa dhagax’

Horaase loo yiri Weel kasta wixii gudihiisa ku jira ayuu dibadda keenaa, qof kastana fikirkiisa ayuu la gole yimaaddaa,
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -