Xildhibaan C/ramaan C/shukuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowlada ayaa goor dhaw war ka soo saaray dagaalka ciidamada Dowlada iyo maleeshiyaadka hubesan u dhexeeya saaka ka bilowday xaafada Taribuunka ee Magaalada Muqdisho.
C/raxmaan ayaa ku eedeeyay in Dowladu isticmaashay awood ciidan oo xad-dhaaf ah sida uu warka u dhigay isagoona talaabadaasi cabaareyn u soo jeediyay.
“Waxaa ayaandarro wayn ah in ciidankii ilaalin lahaa nabadgelyada shacabka, dalkana ka difaaci lahaa argagexisada ay xabad la dhacayaan ciidan kale oo difaacaya qoysaskooda danyarta ah” ayuu yiri C/raxman C/shukuur Warsame.
Qoraalka Siyaasigaan oo uu baraha bulshada ku faafiyay ayaa sidan u qornaa:-
Waxaan canbaaraynayaa awoodda ciidan ee xad dhaafka ee loo adeegsanayo barakicinta qoysaska danyarta ah ee ciidanka ku sugan xerada Horseed.
Waxaa ayaandarro wayn ah in ciidankii ilaalin lahaa nabadgelyada shacabka, dalkana ka difaaci lahaa argagexisada ay xabad la dhacayaan ciidan kale oo difaacaya qoysaskooda danyarta ah
Dhul boobka ay shirkada ku yihiin madaxda dowladda iyo ganacsatada danlayda ah wuxuu dilay haybaddii dowladnimo iyo mooraalkii ciidanka, wuxuuna niyad jabiyey hankii shacabka ay ka lahaayeen dowladda.
Dhaqanka dhiigmiiradka ah wuxuu shidaalinayaa argagexisada, sababtoo askariga qoyskiisa la barakicinayo, dal argagexiso kama difaaci karo.
