Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Siyaasiga Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame oo ka tirsan mucaaradka Samatabixinta ayaa war qoraala uu soo dhigay barihiisa bulshada wuxuu kaga hadlay safarka uu maanta Hargeysa ku yimid Wasiirka arimaha dibada Israa’iil.Waxaan cambaareynayaa xadgudubka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israel ee ka dhanka ah madaxbannaanida, midnimada dhuleed, iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Tilaabada Isreal waxay si toos ah uga hor imaaneysaa sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
Madaxbannaanida Soomaaliya ma aha mid laga gorgortami karo. Ixtiraamka sharciga caalamiga ahna waa inuu noqdaa saldhigga xiriirka caalamiga ah.
Arrintani ma aha khilaaf u dhexeeya muxaafid iyo mucaarad, waa arrin qaran oo saameyn taban ku yeelanaysa amniga Soomaaliya iyo xasilloonida Geeska Afrika oo ah gobol uu horay u daashadeen colaado, xasillooni-darro, gooni-goosad, iyo loollan juqraafi-siyaasadeed.
Difaaca qarannimada wuxuu u baahan yahay midnimo gudaha ah. Hoggaanka dowladda waa inuu gartaa baaxadda halista uu qaranku wajahayo, mudnaanta koowaadna siiyo midnimada gudaha iyo wadajirka qaran, kana fogaado damaca shakhsiyeed ee ku saleysan sii joogista ama ku dhegganaanta xukunka.
Waxaa lama huraan ah in si daacad ah oo mas’uuliyad leh looga wada hadlo sida ugu habboon oo lagu difaacayo madaxbanaanida qaranka, lagu xoojin karo midnimada iyo wadajirka ummadda, isla markaana si degdeg ah heshiis looga gaaro arrimaha la isku hayo ee dastuurka iyo doorashooyinka.
Tani waa dariiqa kaliya ee lagu badbaadin karo sharciyadda dowladnimada, lagu ilaalin karo kala dambeynta dastuuriga ah, laguna maareyn karo dhammaadka muddo-xileedka hay’adaha dowladda oo bilo kooban ay ka harsan yihiin.
