Siyaasiga Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame oo ka tirsan Madasha Mucaaradka samatabixinta ayaa ka hadlay Sarkaal Milateriga Somalia ka tirsanaa oo ku dhintay dagaalka saaka ka dhacay Degmada Ceel-dheer ee Gobolka Gal-gaduud.
Sarkaalka Allaha u naxariistee waxaa magaciisa lagu sheegay Kabtan Cabdi Daahir Xirsi kaasoo ahaa Taliye Urur oo ka tirsanaa Milateriga Somalia.
Qoraalka Siyaasi C/raxmaan C/shukuur uu arintaan kaga hadlay ayaa sidan u qornaa:-
Waxaan boggaadinayaa ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ee sida geesinimada leh uga hor tagay duullaanka ay argagexisada AS ku qaadeen degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.
Allaha u naxariisto dhammaan ciidankii goobta ku shahiiday, inta dhaawac ahna Allaha u boogadhayo, waxaan si gaar ah ugu tacsiyaynayaa ehelka iyo asxaabta taliye urur Kabtan Cabdi Daahir Xirsi.
Allaha u naxariistee Cabdi wuxuu ahaa shakhsi iimaan, karti iyo geesinimo ku sifoobay. Wuxuu xilli adag ii ahaa taliyaha ciidanka nabadgelyadayda.
