HomeWarkiiC/raxmaan C/shukuur oo ku dhawaaqay inuu burburey sharcigii Dowladnimo iyo Hantidii Qaranka

C/raxmaan C/shukuur oo ku dhawaaqay inuu burburey sharcigii Dowladnimo iyo Hantidii Qaranka

Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame oo mucaaradka Dowlada ka tirsan ayaa goor dhaw soo saaray qoraal uu ku weeraray Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh isagoona ku dhawaaqay inuu burburey sharcigii Dowladnimo iyo Hantidii Qaranka.

Xildhibaanka waxaa ku jira qoraalkiisa iyo Ra’iisulwasaare Xamza iyo Wasiirka Cadaalada Xasan Macalin labaduna cabasha ka yihiin isla Dowlada ay madaxda ka yihiin.

Hadaba qoraalka Xildhibaanka oo sidiisa u qoran halkaan k akhriso:-

Marka uu maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) u caddeeyo in dhulkaasi aan la bixin karin, garyaqaanka Guud uu xaqiijiyo in bixinta dhulka Jaamacaddu ay tahay sharci-darro, welina diiwaanka Hantidhowraha Guud uu dhulkaasi u diiwaangashan yahay JUS, hadana lagu leeyahay Madaxweynaha ayaa ganacsato ka iibiyey, amar kiisana dadkii danyarta ahaa ee deggenaa cagaf-cagaf la dul maray, iyadoo Wasiirkii ku shaqada lahaa uu aamusan yahay.

Halkaas waxaa ku burburay micnaha sharci, dawladnimo, iyo hanti qaran, erayo magac uun ah, aan ficil iyo xurmad lahayn.

Waxaa arrinka sii suurad xumeeyey markii maalin hore aan aragnay Raysal-wasaarihii dalka oo Ilaahay ku dacweynaya dadka boobaya dhulka dawladda iyo hantida shacabka, isagoo u hadlaya sidii muwaadin caadi ah oo aan awood hayn, shalayna aan maqlaynay Wasiirka Cadaaladda oo ka cabanaya cadaalad-darro lagula kacay dadka deegaankiisa, sidii qof mucaarad ah oo ka baxsan xukuumadda.

Su’aasha qaraar ee halkan tala waxay tahay: dalkaan yaa u dawlad ah?

Jawaabta runta ah, inkasta oo ay xanuun badantahay waa in dalka u dawlad ka yahay Madaxweyne leh awood fulineed oo ka sarreysa Dastuurka, sharciga, iyo xeerarka dalka. Xukuumaddu waa magac u yaal, awood fulinna ma laha, baarlamaanku waa gole magac ahaan u jira, balse aan lahayn awood korjoogteyn iyo isla-xisaabtan, shacabkuna waa daawadayaal uu qof walba dantiisa gaarka ah la hardamayo.

Ganacsatadii dheelitiri lahayd dawladda waxay u kala jabeen labo: kuwo ka baqaya in ay waayaan qandaraas, galaangal iyo saaxiibtinimada Madaxweynaha, iyo kuwo aamusan si aan loogu faragelin danahooda gaarka ah. Suxufiyiintii, fanaaniintii, abwaanadii, farshaxan-yaqaannadii iyo majaajilistii kicin jiray damiirka bulshada waxay noqdeen kuwo la iibsaday ama duruuftu aamusiisay. Culimadii, aqoonyahankii iyo qaybihii kale ee bulshada rayidka ahaa iyaguna siyaabo kala duwan ayay uga gaabsadeen ka hadalka danta guud.

Mucaaradnimadii waxaa laga dhigay mid aan macquul ahayn, qarash iyo halis badan, taageero yar, lehna cawaaqib aan la saadaalin karin.

Waxaa si ula kac ah loo abuuray jawi ay fulaynimadu tahay xikmad, aamusnaantuna loogu yeeray bisayl, halka danaysiga shakhsiga ah loo aqoonsaday xariifnimo.

Damiirka laga fogeeyey dan guud, iyo caqliga ka go’an masuuliyadda muwaadinnimo wuxuu si toos ah u naaxiyaa musuqa, takrifalka awoodda iyo dhaqan xumida siyaasadeed. Xaaladda ugu halista badan ee musuqmaasuqu iyo ku-takrifalka awooddu ku koraan waa marka damiirka bulshada curyaamo, marka muwaadinku rumaysto in iska-caabbintu waxba tarayn, aamusnaantuna tahay badbaado.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -