Xildhibaan C/raxman C/shukuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa Madaxweynaha Somalia ku eedeeyay in dhaqamadiisu yihiin kuwo uu ka koobiyeeyay Madaxweynihii isaga ka horeeyay ee Maxamed C/laahi Farmaajo.
C/raxmaan C/Shukuur wuxuu qoraalkiisa ku muujiyay in koobiga Madaxweyne Xasan uusan dagaal ku ekeyn balse xitaa dadkii uu Farmaajo adeegsan jirey uu isna maanta adeegsanayo.
Qoraalka C/raxmaan C/shukuur ayaa sidan u qornaa:-
Sheekh Suudaani ah ayaa hal khudbo oo isku mid ah sanado badan masjidka xaafaddiisa Jimacaha ka aqrinayey, maalinkii danbe ayuu markii uu Minbarkii koray wuxuu yiri; qof cusub miyaa nagu jira? Maya ayaa loogu jawaabay, qof aan khudbada xifdisanayn miyaa idinku jira? Kuligeen waan xafidsanhay ayey ugu jawaabeen, Salaadda hala aqimo ayuu yiri.
Keliya maaha in rajiimka Madaxweyne Xasan Sheekh uu koobiyeynayo dhaqanka kuwii ka horreeyey, xitaa shakhsiyaadka la adeegsanayo waa isla iyagii.
Madaxweynow haddii aadan aragti, hal abuur iyo karti waxqabad lahayn, intii aad koobi ahaan lahayd, sow ma haboona in aad sida Sheekha Suudaaniga ah oo kale naga xishooto oo aad aqinka doorashada naga soo dedejiso.
