HomeWarkiiC/raxmaan C/shukuur oo sabab la yaab leh ku sheegay in Dowladu wali...

C/raxmaan C/shukuur oo sabab la yaab leh ku sheegay in Dowladu wali kasban kalsoonida muwaadiniinteeda.

C/raxmaan C/shukuur oo ka mid ah madaxda mucaaradka Golaha Mustaqbalka ayaa qoraal dheer uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu sharaxaad kaga bixiyay  sabab la yaab leh oo Dowladu wali ku kasban kalsoonida muwaadiniinteeda.

“Haddii caddaalad-darro lagaaga eryo shaqadaada, yaad filaysaa inuu ku difaaco: qabiilkaaga mise sharciga? haddii jawaabtaadu tahay qabiilka, markaa dhibaatadeennu ma aha qabiilka ee waa in dawladdu aysan weli kasban kalsoonida muwaadiniinteed” ayuu yiri C/raxmaan C/shukuur

Haddaba halkaan ka akhriso qoraalka siyaasiga C/raxmaan C/shukuur  oo sidiisa u qoran:-

Haddii maanta xuquuqdaada lagu xadgudbo, yaad marka hore u yeeranaysaa: qabiilkaaga mise dawladda?

Haddii caddaalad-darro lagaaga eryo shaqadaada, yaad filaysaa inuu ku difaaco: qabiilkaaga mise sharciga?

Haddii jawaabtaadu tahay qabiilka, markaa dhibaatadeennu ma aha qabiilka ee waa in dawladdu aysan weli kasban kalsoonida muwaadiniinteeda. Qabiilku wuxuu qofka siiyaa hayb ku dhisan dareen, hiil, ka mid ahaansho iyo amni.

Muwaadinnimaduse waa ka duwan tahay. Waa aqoonsi siyaasadeed oo ku dhisan xuquuq iyo waajibaad siman, iyo dawlad sharciga si isku mid ah ugu dhaqda muwaadiniintoo idil.

Waxaase la yaab leh marka Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday uu la golo yimaado in laga gudbayo siyaasadda qabiilka loona gudbayo axsaab iyo muwaadinnimo, iyadoo siyaasaddii weli ku dhisan tahay nidaamka 4.5 iyo awood-qaybsi qabiil.

Qabiil ma looga gudbi karaa xisbiyo magac u yaal ah, iyadoo awood-qaybsiga, metelaadda iyo loollanka siyaasadeed weli lagu jaangoynayo tirada iyo saamiga beelaha?

Waxaa taas ka sii daran in xilalka dawlada lagu bixinayo qaraabo-kiil, eex iyo daacadnimo kiraysan, halkii ay ku salayn lahaayeen karti, hufnaan iyo mudnaan.

Bulshadu wax kuma qaadato waxa ay madaxdeedu sheegaan ee waxay ku qaadataa ficilka ay madaxdeedu falaan.

Haddii madaxdu ku shaqayso qabiil, maxaa shacabka looga filayaa inay ka hormaraan hoggaankooda?

Xisbiyo laguma hirgelin karo hal-ku-dhegyo iyo khudbado xamaasad leh. Waxaa lagu hirgelin karaa in la joojiyo qaraabo-kiilka, eexda, musuqmaasuqa, boobka hantida dadweynaha iyo in hay’adaha dawladda loo adeegsado dano qoys iyo kuwo siyaasadeed.

Ilaa ay dawladdu ku kasbanayso kalsoonida shacabka caddaalad, sinnaan, hufnaan iyo mudnaan, dadku waxay sii aamini doonaan qabiilkoodii qarniyada soo ilaalinayey.

Xisbi iyo muwaadinimo afka lagama sheegto ee waa lagu dhaqmaa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -