MINNESOTA (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame ayaa wareysi uu siiyay UNIVERSAL TV wuxuu kaga hadlay siyaasada Madaxweyne Xassan isagoo bar bar dhigay siyaasadii Farmaajo .
C/raxmaan C/shukuur Warsame wuxuu si cad u sheegay in dhanka Dowladnimada uu halis ku yahay Xassan marka loo eego Farmaajo isagoo tusaale u soo qaatay in Xasan faragelin ku sameeyay Dastuurka halka Farmaajo uu mudo kororsi ku ekaa balse uusan dastuur wax ka badalin.
” Xasan waa ka halis badan yahay Farmaajo maxaa yeelay Farmaajo dasturka waxba kama badalin laakiin Xasan Dastuurkii ayuu badalay wuxuuna is dhex geliyay Dastuurkii iyo doorashadii,wuxuu u badalay dastuurka in doorasho u cuntanta u sameeyo”ayuu yiri C/raxman C/shukuur
“doorashadii ayuu dhex geliyay dastuurkii, tusaale gudigii doorashada dastuurkuu u badalay,habka madaxweynaha loo dooranaya dastuurkuu u badalay,waajibaadii gudiga doorashooyinka iyo qaabka loo xulaayo dastuurkuu u badalay,hanaanka xisbiyada dastuurkuu u badalay,marka madaxweynaha Dastuurka wuxuu u soo badashay qaab isaga u cuntanta doorashadiisa”ayuu yiri C/raxmaan C/shukuur
ayuu dhex gashtay qodobo ku haboon qaab isaga u fiican marka doorashada la gaaro tusaale nidaamka xisbioya wuxuu u dhigay qaab
Sidoo kale C/raxman C/shukuur wuxuu soo hadal qaaday wada-hadalkii mucaaradkooda samatabxinta iyo Xasan wuxuuna carabka ku dhuftay in wada-hadalada uusan Madaxweynuhu dhab ka ahayn kaliya ay ka tahay farsamo ahaan uu rabo inuu ku kala qeybiyo mucaaradka iyo maamul Goboleedyada Dowlada ka aragtida duwan.
“Madaxweynuhu wali ma gaarin go’aan istaraatioiji ah oo ay dhab kaga tahay inuu la hadlo dadka siyaasiyiinta ah ee ka aragtida duwan,maxaa yeelay waxa la isku hayo waa doorashooyinka iyo dastuurka”
Mar wax laga weydiiyay inay ku mucaaradku ku heshiiyeen inay xukunka ka ritaan Xasan sheekh ayuu si toos ah u qirtay arintaasi balse wuxuu ku sii darsaday inay sidoo kale u socdaaan in doorashadu xiligeedii ku dhacdo.
“inaan kursiga ka ridano kaliya uma soconee sidoo kale waxaan rabnaa in doorashada waqtigeeda lagu qabto, hada ma cada anagana xitaa ma naqaano xiliga doorashada ay dhaceyso”ayuu yiri C/raxm,aan C/shukuur
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
