MUQDISHO (DAYNIILE.COOM)-Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame ayaa caawa wuxuu warbaahinta u sheegay in dagaalkii caawa ciidamada Dowladu Deyniile kula dagaaleen dadka deegaanka uu sababay in ciidamada Dowladu dilaan cunuq saqiir ahaa.” dhul boobkii caawa degmada Dayniile waxay ciidamada Dowladu ku dileen Musamil Yuusuf Cismaan oo ah wiil 3 jir ahaa”ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur
Siyaasiga wuxuu ku eedeeyay Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Xassan inay hada dhul boobkii ku darsatay leynta caruurta saqiirada ah.
“Waxaan u tacsiyaynayaa qoyska Soomaaliyeed ee dhul boobkii caawa degmada Dayniile looga dilay Musamil Yuusuf Cismaan oo ah wiil 3 jir ah. Waxa muuqata in taliska Xasan Sheekh uu xarga goostay uu haatan caruur qalato yahay” ayuu yiri C/raxmaan C/shukuur Warsame
Xildhibaanka wuxuu Alle u weydiiyay inuu u naxariisto dadkii ku dhintay dagaalka caawa Dowladu ku qaaday xaafado ka mid ah Degmada Dayniile.
“Taliska caruur dilka ah maalmihiisu waa tirsan yihiin, waana lala xisaabtami doonaan,waxaan Alle ka baryayaa inuu u naxariisto dhammaan dadkii ku naf waayay duullaanka caawa lagu qaaday degmada Deyniile, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelladooda, caafimaad degdeg ahna siiyo kuwa dhaawaca ah” ayuu mar kale yiri Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
