Siyaasi Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur ayaa ka hadlay munaasabadii maanta Madaxweyne Xasan uu ku daah-furey barnaamij Dowladu ugu magac dartay higsiga qaran ee 206-ka oo ah sida la rajeynayo inay Somalia noqoto.
Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur wuxuu ku tilmaamay qorshaha madaxweynaha xad-gudub iyo maaweelo.
Haddaba qoraalka siyaasigaan ayaa sidaan u qornaa:-
Waa ku xadgudu garasho in iyadoo uu dalkeennu wajahayo xaalad hubinti la’aan siyaasadeed, mid amni, dhaqaale oo ay sii dheertahay qalalaasaha juqraafi siyaasadeed ee dunida maanta ka taagan la isku maaweeliyo 2060. Markii aad taqaan halka aad taagan tahay, ayaad garan kartaa jihadaad u socoto.
Haddiise aan la daynayn, bal ugu yaraan khidaabka siyaasadda erayada, biilka iyo badeecada ha laga daayo, sababtoo ah kala xulashada erayada waxay muhiim u yihiin qaabaynta ra’yiga iyo doodaha dadweynaha, jihaynta siyaasadda, iyo dhisida qiyamka bulshada.
