Siyaasiga Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay barihiisa bulshada wuxuu kaga hadlay arimo kala duwan oo xaalada Somalia isagoona is weydiiyay su’aal ahayd aragti iyo faham caynkee ah ayaan dowladnimada ka haysaa?
Haddaba qoraalka siyaasiga oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
Meel kasta oo dunida aad marto, Yurub, Maraykan, Aasiya, Afrika iyo Australia, qof Soomaali ah oo qax, shaqo, waxbarasho ama ganacsi ku tegey ayaad arkaysaa. Waxaad isleedahay dadku firfircooni, adkaysi iyo iskaalmayn badanaa?
Haddana qiiro iyo qab yaraa oo tijaabada nolosha, waaya-aragnimada iyo ummadaha uu la noolyahay wax kama barto ama kama hinaaso miyaa ayaad iswaydiinaynaa?
Ummadnimo waa isirka aanu nahay ee Soomaaliga ah, geyiga aanu ku noolnahay ee degaanka ah (cir, bad iyo berri ), diinta aan wadaagno ee Islaamka ah, laakiin waxaa nagu dumay gobonimadii, sharcigii iyo awooddii lagu ilaalin lahaa seddaxdaas oo ah dowladdii.
Waxaanu doonaynaa in aan dib u dhisno dowladdii.
Su’aashu waxay tahay aragti iyo faham caynkee ah ayaan dowladnimada ka haysaa? Ma waxaan u aragnaa mid aayaheenna iyo jiritaankeenna ummadnimo (Isir, diin iyo geyi) lagu badbaadinayo? mise waxaan u aragnaa meel laga dheefsado oo hanti, magac iyo awood laga tabco?.
Tan hore nafhur, iimaan, mooral akhlaaqeed, aqoon, xirfad iyo waaya-aragnimo ayey u baahan tahay.
Tan danbe, indha adayg, iimaan iyo xishood la’aan, tab iyo xeel lagu xoogsado ayaad u rabtaa.
Ilaaheey qolo ma beddelo ilaa ay naftooda is beddesho. Wax walba aragti iyo faham ayaa haga.
