HomeWarkiiC/raxmaan C/Shukuur "Waa ayaandarro weyn in Xasan Sheekh uu xiligan hoobiyeyaal ku...

C/raxmaan C/Shukuur “Waa ayaandarro weyn in Xasan Sheekh uu xiligan hoobiyeyaal ku garaacayo xaafado shacab iyo hoy ay ku suganyihiin Ugaaska Beesha Murusade,

Xildshibaan Craxmaan C/Shukuur Warsame ayaa goor dhaw oo saq dhexe ah wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Xassan inuu hoobiyayaal ku weeraray xaafado dad shacaba degan yihiin sida uu warka u dhigay .

Qoraalka C/Raxmaan C/Shukuur Warsame oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-

Waa ayaandarro weyn in Xasan Sheekh uu xiligan hoobiyeyaal ku garaacayo xaafado shacab iyo hoy ay ku suganyihiin Ugaaska Beesha Murusade, odayaal dhaqan, siyaasiyiin, iyo waxgarad kale. Goobta waxaa sidoo kale ku sugan ergo isugu jirtay siyaasiyiin iyo odayaal u joogay dadaallo dhexdhexaadin iyo nabadeyn ah.

Tani waxay mar kale caddeyn u tahay nacasnimada, fulaynimada, iyo mas’uuliyad-darrada taliska waqtigiisu dhammaaday ee Xasan Sheekh. Halkii uu dooran lahaa wada-hadal iyo tanaasul siyaasadeed, wuxuu u muuqdaa inuu doorbidayo cabsi gelin, aargoosi, iyo adeegsiga awood ciidan.

Talis awood ciidan iyo aargoosi ku maareeya khilaafaadka siyaasadeed wuxuu ku dambaynayaa guuldarro iyo cawaaqib xumo. Ficilladan waxay sii fogeynayaan fursadaha wada-hadalka, nabadda, iyo xasilloonida dalka, waxayna dhaawacayaan kalsoonida shacabka iyo rajada laga qabo xal siyaasadeed oo waara.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -