HomeWarkiiC/raxmaan C/shukuur " waa in deegannada aysan dowladu ka talin lagala xaajoodo...

C/raxmaan C/shukuur ” waa in deegannada aysan dowladu ka talin lagala xaajoodo qaybsiga dakhliga fiisaha ka soo xarooda.

C/raxmaan C/shukuur oo ka mid ah siyaasiyiinta madasha mucaaradka samatabixinta ku mideysan ayaa keenay fikir daqliga  E-visa ka soo xarooda ay ku qeybsan karaan Dowlada iyo Maamul Goboleedyada qaar sida Somaliland iyo Puntland.

Siyaasi Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur  wuxuu soo jeediyay  in deegannada aysan dowladu ka talin lagala xaajoodo qaybsiga dakhliga fiisaha ka soo xarooda.

Siyaasigaan oo eedemo badan si gaar ah ugu jeediyay Madaxweyne Xassan ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu u qornaa sidan:-

Ma mudna in la yiraa “kumaa tahay?” Soomaaliga heli kara in uu fasaxiisa ku qaato waddan uu dal-ku-gal lacag la’aan ah ka qaadan karo garoonka diyaaradaha ka doorbiday in uu dalkiisii Hooyo ku bixiyo waqtigii iyo qarashkii uu dal shisheeye ku bixin lahaa.

Waa idinka raali gelinaynaa xadgudubkaas, xaqiiqduse waxay tahay waxa la isku hayo ma aha yaa Soomaali ah?, sababtoo ah dastuurka dalka iyo sharciga jinsiyada ayey ku caddahay.

“Qof kasta oo asal, af iyo dhaqan ku abtirsada isirka Soomaaliyeed ayaa Soomaali ah”.

Ee waxaa la isku hayaa waa $64-ka doolar cidda ay u dhacayso. Markii horeba $60 waa la qaadi jiray, laakiin garoon kasta Haragysa, Garoowe iyo Muqdisho maamulka jooga ayaa qaadi jiray. Waxa dheeraadka ah waa in Muqdisho doonayso in ay $60-kii oo $4 lagu daray kaligeed qaadato.

Muqdisho waxay haystaa awoodda sharci (De jure), halka maamullada kalana ay hastaan awoodda ka talin (De facto).

Taas ayaana qasbaysa in qoondaynta, qaybinta, iyo dhaqangelinta awoodda, dakhliga iyo khayraadka dabiiciga ah laga wada xaajoodo.

Waxa ugu wayn ee duqa dhexgeliyey in uu Laysin, Shati, Fiiso iyo Taargo ka hadlo waa in meesha dhacdhac lagu sheegay, ee si edeb leh oo aan handadaad iyo shaki gelin Soomaalinimo ku jirin dadka wax haloo warsado.

Haddaba, si aan dadka labo lacag looga qaadinn, waa in deegannada aysan dowladda federaalka ah ka talin lagala xaajoodo qaybsiga dakhliga fiisaha ka soo xarooda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -