HomeWarkiiC/raxmaan C/shukuur Warsame " Madaxweyne Xassan Dowladda wuxuu u arkaa shirkad ganacsi,...

C/raxmaan C/shukuur Warsame ” Madaxweyne Xassan Dowladda wuxuu u arkaa shirkad ganacsi, shacabkana wuxuu u arkaa macaamiil”

C/raxmaan C/shukuur Warsame oo ah Siyaasi mucaarad ku ah Dowlada Somalia ayaa maanta ka hadlay hadalkii shalay Madaxweyne Xassan uu ku sheegay in Alshabaab shaati kasta ay soo gashtaan loo ogol yahay in la siiyo kaara Aqoonsiga dhalashada Dalka ee NIRA .
C/raxmaan C/shukuur wuxuu sheegay ugu horeyn in dad badan oo Soomaaliyeed uu fajac iyo filanwaa ku noqday hadalkii Madaxweynaha ee ahaa in argagixisada la siiyo kaarka aqoonsiga qaranka .
” Madaxweyne Xassan Dowladda wuxuu u arkaa shirkad ganacsi, shacabkana wuxuu u arkaa macaamiil, ma waxaa jirta shirkad macaamiisheeda kala saarta?”  ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur .
Siyaasigaan wuxuu hadalkii Madaxweynaha ku tilmaamay mid aan hadaf iyo ujeed lahayn,wuxuu ku dhaliilay Madaxweynaha inuusanba  u arkin Dowladnimada hay’ado ku dhisan sarrayn sharci, sinnaan, caddaalad.
“Haddii uu Madaxweynuhu dowladnimada u arki lahaa in ay tahay hay’ado ku dhisan sarrayn sharci, sinnaan, caddaalad iyo adeeg bulsho, wuxuu yeelan lahaa aragti qaran, si xilkasnimo leh ayuu u hadli lahaa, fariintiisuna waxay ahaan lahayd mid hadaf iyo ujeed leh” ayuu mar kale yiri C/raxmaan C/shukuur .
Ugu danbeyn Xildhibaanka wuxuu carabka ku adkeeyay in Madaxweynaha iyo maamulkiisuba ka aradan yihin .aragtida, akhlaaqka iyo qiyamka dowladeed
“maalin walba in Madaxweynaha lagu arko falal fajac leh, lagana maqlo hadallo qarracan leh waxaa sabab u ah hab maamulka Madaxweynaha oo ka aradan aragtida, akhlaaqka iyo qiyamka dowladeed” ayuu ku soo gabagabeeyay Xildhibaanku .
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -