C/raxmaan C/shukuur wuxu sheegay in Wasiirka arimaha dibada Somalia uu ka dalbaday dhigiisa Turkey inuu la kulmo balse iyagoo balansan uu badalkiisa qaabilay Wasiirka Dekadaha C/qaadir Maxamed Nuur.
“Wasiirka arimaha dibada Somalia oo Ankara kula kulmi rabay dhigiisa Turkey ayaa waxaa ka dulqaday Wasiir Jaamac”ayuu yiri C/raxm,aan C/shukuur
Haddaba halkaan ka akhriso qoraalka C/raxmaan C/shukuur oo sidiisa u qoran :-
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dalbaday in uu dhiggiisa Turkiga la kulmo, isagoo Ankara ku sugan oo weli sugaya ayaa Wasiirkii Arrimaha Dibadda iyo Madaxweynihii Turkiga ku dul-qaabileen wasiir kale, iyadoo aysan safaaradu la socon.
Haddii aysan jirin tabar lagu diido xadgudubka gobonnimo iyo maamuuska dowladeed, si wejigabaxa looga baxsado, sow ma habboona in isaga Wasiirka Arrimaha Dibadda laga dhigo.
