HomeWarkiiC/raxmaan Cirro oo amaan kala dul-dhacay Ra'iisulwasaare hore Mxd Xus. Rooble

C/raxmaan Cirro oo amaan kala dul-dhacay Ra’iisulwasaare hore Mxd Xus. Rooble

HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland C/raxmaan Cirro ayaa si weyn amaan ugala dul dhacay siyaasiga Maxamed Xuseen Rooble oo ah Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya kadib markii dhawaan uu sheegay Dowlada Somalia dhibaato ku heyso maamulkaasi gooni u goosadka ah.

C/raxmaan Ciiro wuxuu sheegay inuu Rooble ugu hambalyeynayo sida uu u garowsaday in Somaliland wax weyn qabsatay.

“waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee garowsaday in Somaliland wax weyn ay wax weyn qabsatay ,xaqna u leedahay inay hesho madax banaanideeda,oo uu ugu horeeyo Ras’iisulwasaarihii hore ee Somalia Rooble, kuwa kalana waxaan leeyahay ku deyda kuwa wadada wanaagsan qaaday”ayuu yiri Craxmaan Ciiro

Madaxweynaha Somaliland waxaa hadaladiisa ku jirey inay jiraan siyaasiyiin Soomaali ah oo ka xun nabada iyo kala danbeynta reer Somaliland ,wuxuu intaasi ku daray in qaarkood sheegeenba inay alshabaab usoo dirayaan si ay nabada Somaliland wax ugu dhimaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -