Madaxweynaha Maamulka Somaliland C/raxmaan Cirro ayaa ugu danbeyn caawa war uu soo saaray wuxuu shacabka u sheegay in shirkii uu la qaatay shirkadaha internetka ay isku raaceen inay ka laabteen qiima kororkii shacabku dhibsadeen ee ay dhawaan ku dhawaaqeen.
Warka Madaxweynaha oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
“Anniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan ummaddayda ku wargelinayaa in Xukuumadda iyo shirkadaha bixiya adeegyada isgaadhsiinta ee dalka ay isla garteen in la hakiyo go’aankii dhawaan lagu kordhiyey qiimaha adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka taleefannada gacanta, go’aankan oo ay shirkaduhu hore ugu dhawaaqeen.
Qiimaha adeegyadu waxa ay ahaan doonaan sidii hore, ilaa amar dambe, iyada oo Xukuumaddu si degdeg ah wada-hadallo arrintan la xidhiidha ula yeelan doonto shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka ee Jamhuuriyadda Somaliland.”
Dhanka kale qoraalo ay siyaabo kala duwan u soo wada saareen shirkadaha isgaarsiinta ayay ku cadeeyeen inay aqbaleen dalabka masuliyiinta ee ahaa inay hakiyaan qiima kordhinta.
