HomeWarkiiC/raxmaan Cirro oo ka cabanaya talaabada Dowlada Somalia ku dhiseyso Maamul Goboleedka...

C/raxmaan Cirro oo ka cabanaya talaabada Dowlada Somalia ku dhiseyso Maamul Goboleedka SSC Khaatumo.

HARGEYA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo u waramayay warbaahin dunida ah ayaa Dowlada Somalia ku eedeeyay inay faragelin ku heyso madax-banaanida Somaliland sida uu warka u dhigay.
Mar wax laga weydiiyay wada-xaajoodkii ka dhexeeyay Maamulkiisa iyo Dowlada dhexe ee dalka ayuu daboolka ka qaaday ineysan hada diyar u ahayn kadib markii uu ku eedeeyay Dowlada Somlia inay ku howlan tahay dhisida maamulka SSC Khaatumo oo sheegtay inay dhulkiisa ka mid yihiin.
“Soomaaliya lama hadli karto, wada xaajoodna lama geli karto Somaliland, iyada oo goynaysa qaybo ka mid ah Somaliland”ayuuu yiri Madaxweyne Ciro sida uu baahiyay TV-ga Maamulkaani.
C/raxmaan Cirro wuxuu intaasi ku daray inay awoodaan inay  difaacdaan dhulkooda  iyo dadkooda  balse ay nabada jecel yihiin sida uu warka u dhigay.
C/raxmaan Cirro wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in Somalia ay heshiis uga baxday dhankooda kaasoo ahaa in aan la is farogalin sida uu warka u dhigay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -