HomeWarkiiC/raxmaan Cirro oo sheegay in dhamaan wixii macdan dhulkooda ku jira ay...

C/raxmaan Cirro oo sheegay in dhamaan wixii macdan dhulkooda ku jira ay ku wareejin doonaan Israa’iil

Madaxweynaha Maamulka Somaliland C/raxmaan Cirro ayaa wareysi uu siiyay Wakaalada wararka Reuters wuxuu kaga hadlay arimo dhowr ah sida aqoonsiga ay ka heleen Israa’iil iyo heshiisyo ganacsi oo ay la geli doonaan.

Ciro wuxuu u sheegay Reuters in dhamaan Macdanta ku jirta dhulka Somaliland ay ku wareejin doonaan Israa’iil islamarkaana ay uga badalan doonaan dhaqaale badan.

Sidoo kale mar uu soo hadal qaaday arimaha aqoonsiga iyo rajada ay ka leeyihiin in dunida ay aqoonsi ka helaan ayuu sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan inay maalin un arkaan Dowladaha Jabuuti Somalia inay aqoonsan doonaan,sidoo kale wuxuu xusay isagoo la hadlayay Reuters  dhamaan dalalka kale ee caalamka iyagana ay ka rajeynayaan inay aqoonsan doonaan.

“Waxaan rajeyneynaa in Soomaaliya iyo Jabuuti oo deriskeenna ah, iyo dhammaan dunida  kale ee Qaramada Midoobay ka tirsan inay aqoonsan doonaan Somaliland.” ayuu yiri C/raxmaan Ciro oo ah Madaxweynaha Maamulka Gobolada Waqooyi Galbeed Somaliya ee la baxay Somaliland

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -