Madaxweynaha Maamulka Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay xaalada Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal halkaasoo ciidamadu maanta dad shacaba oo banaan baxayay ku laayeen taasoo cara badan dhalisay islamarkaana xiisad ka abuurtay Gobolkaasi.
” Anigo ah Madaxweynihii aad aqlabiyada ku doorateen waxa si dhab ah iga go’an in wax kasta oo la tabanaayo inaynu wada hadal ka furno, oo miiska dushiisa ku xalinayo tiiyo aan dhiig inaga daadan Magaalooyinkeenuna inaga dumin, ma jiro wax iga qaalisan dhiiga dadkaygu inaanu daadanin” ayuu yiri Madaxweyne Cirro
C/raxmaan Cirro wuxuu xusay inay baaris rasmi ah ku wadaan dhacdada islamarkaana dhibaatooyinka khasaaraha gaystay ee ka dhacay magaalada Boorama laga xisaabtami doono khaladaadka.
