Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame oo ka mida siyaasiyiinta mucaaradka ayaa war ka soo saaray dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Maxaas oo Akshabaabn ay ku qabsadeen kadib dagaal culus oo ay ku soo qaadeen.
Siyaasigaan ayaa talaabada Alshabaab ku qabsadeen Maxaas wuxuu ku tilmaamay dhabar jab qaran iyo khiyaano laga galay dhiigga shuhadadii naftooda u huray xoraynta dalkooda.
Qoraal uu baraha bulshada soo geliyay Xildhiban C/raxmaan C/shukuur Warsame ayaa sidan u qornaa:-
Maxaas waxaa la qabsaday maalinkii Moqokori la qabsaday, Moqokorina waxaa la qabsaday maalinki Aadan Yabaal la qabsaday.
Argagexisadu in ay dib u qabsadaan degaannadii laga xoreeyey sanad iyo bar ka hor, waa dhabar jab qaran iyo khiyaano laga galay dhiigga shuhadadii naftooda u huray xoraynta dalkooda.
Ka sokow dhiigga shuhadada, dagaalka waxa ku baxay hanti, tamar, waqti iyo taageero caalami ah. Guuldarrooyinka goobaha dagaalka waa mid laga kabsan karo, waxaanse laga kici karin hanjabka ku dhacay yididiiladii ay shacabku ka qabeen in ay argagexisada ka xaroobayaan.
Ruuxda dagaal, tamarta, iyo taageerada ay macawislayda reer Hiiraan isaga xoreeyeen heeryada gumaysiga argagexisada waxaa sal u ahaa iskutashi degaan, balse markii ay dowladda la wareegtay hoggaanka dagaalka, dadkii degaanka waxay isku halleeyeen dowladdooda, maantase dayacday.
Madaxweyne,
Sababta ugu wayn ee argagexisada fursadda siisay waa in aad ka weecatay hadafkii iyo mudnaantii dagaalka lagula jiray argagexisada AS oo ahaa ajande qaran oo lagu midaysnaa.
Waxaad ku leexday danaysi shakhsi ah oo ku dhisan dastuur beddel, afduub doorasho, eex iyo musuq baahsan, karti xumi maamul, xasarad abuurid iyo xasillooni dari siyaasadeed.
Madaxweyne,
Waxaad lumisay kalsoonidii shacabka iyo aaminaaddii ay ku qabeen dowladnimada, deriska iyo dowladaha kale ee aad ku sii cararayso indhaha ay ku eegayaan waa in aa tahay nin kaligii ah oo dantiisa ka hadla, dadkiisana ku metelin, muddo xileedkiisina gabaabsi yahay.
Madaxweyne,
Isdaba qabo dhowrka bil ee kuu harsan oo la heshii dadkaada, jooji siyaasadda aargoosiga ku dhisan. Adiga iyo igaarkaaga Xamsa ka sabra dibirtii Axmad Madoobe, qaanuunka siyaasadda ka mid maaha in aad ku aargudato isla goobtii laguugu lagday.
La heshii mucaaradkaada, iyo dowlad gobolleedyada kaa maqan, tamarta, hantida iyo awoodda aad ku bixinayso Gedo u weeci dagaalka argagexisada.
Waxaan kugu aqaan in aad tahay nin waaqici ah oo iswaal iyo qar iska tuur xal ka raadin ee ka feker in aad talada dalka si nabad ah ku wareejiso, dolowladdeennu way jilicsantahay ee ha u gaysan daqaro aysan ka kici karin.
Xusuusnow, xukunku waxba kuuma kordhiyo, kaamana dhimo, keliya wuxuu daaha ka qaadaa dunta qofnimadaada.
