HomeWarkiiC/raxman C/Shukuur "Ma jirto cid ka welwel badan, kana nugul maanta taliska...

C/raxman C/Shukuur “Ma jirto cid ka welwel badan, kana nugul maanta taliska Madaxweyne Hassan”

Siyaasi C/raxmaan C/Shukuur Warsame ayaa weerar afka ah ku qaaday Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Xassan. Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada oo sidiisa u qoran halkaan  ka akhriso:-

Ma jirto cid ka welwel badan, kana nugul maanta, taliska Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, xilli uu muddoxileedkiisii gebogebo ku dhow yahay. Awoodda xukunkiisa kuma dhisnayn sharciyad akhlaaqeed, aragti qaran oo la wada leeyahay, ama himilo ay dadka ku xeerani si dhab ah u rumaysan yihiin.

Taageerada iyo daacadnimada waxay ku dhisnayd dano: xilal, xoolo, qandaraasyo, dhul laga barakiciyey danyar, iyo saaxiibtinimo ku dhisan faa’iido.

Marka muddoxileedku gabaabsi noqdo, shabakadihii xiriirka way dabcaan, daacadnimadii waa luntaa, saaxiibbadiina dhabarka ayay isu jeediyaan, sacab-tunkii iyo ammaantii afka baarkiisa ahayd way istaagaan.

Wixii loo haystay awood ayaa si cad loo arkayaa in ay ahayd dano ku-meel-gaar ah, oo aan lahayn sal iyo tiir toona.

Afartii sano ee la soo dhaafay, siyaasadda waxaa laga dhaariyey runsheegnimo, masuuliyad, sarriigasho, iyo u adeegidda danta guud. Halkoodii waxa buuxiyey danaysi, kala iibsasho, iyo aamusnaan lagu gorgortamay. Sidaas awgeed, tani ma aha oo keliya fashil hoggaamineed; waa fashil akhlaaqeed oo dhab ah.

Talisyada caynkan ahi dibadda kama dumaan ee gudaha ayay ka dilaacaan. Waxay ku burburaan marka ay dhammaato dantii lagu wada joogay. Keliya waxa ay u baahan yihiin in ilinka laga jebiyo. Xiligeediina waa la joogaa.

﴿ادْخُلُوا عَلَيْهِمُ الْبَابَ فَإِذَا دَخَلْتُمُوهُ فَإِنَّكُمْ غَالِبُونَ﴾

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -