MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Siyaasiga Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame oo ka mid ah Madaxda Mucaaradka Golaha Mustaqbalka ayaa caawa ka dhawaajiyay inuusan waxba iska badalin balan qaadkoodii ahaa inay 4-ta Bisha June dhigayaan banaan baxyo waa weyn oo ay kaga soo hor jeedan siyaasada Dowlada gaar ahaan Madaxweyne Xassan.
“Mudaaharaadka waa noo sidiisii waana xaq sharci ah ,waa xaq dastuuri ah, ma jirto cid aan uga heebeysaneyno, waa inaad saas u ogaataan ,Xasan Sheekh-na waan idiin sheegay laba arin ayuu ugu cabsi badan yahay waxaa waaye mudaaharaad iyo iyo muda xileedkaadii wuu dhamaaday” ayuu yiri C/raxmaan C/shukuur
Xildhibaan C/raxmana wuxuu intaasi ku daray in Dalka ay ka jiraan ilaa 5 maamul Goboleed sida uu warka u dhigay oo laba ka mid ah ay dagaashan yihiin halka kuwa kalana ay is hayaan, wuxuu carabka ku adkeeyay in hada Galmudug ay ka taagan tahay halka shalayn ay ka taagneyd Koofurgalbeed.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
