HomeWarkiiC/raxman C/shukuur oo sheegay in Maamulka Madaxweyne Xasan uu ka liito maleeshiyo...

C/raxman C/shukuur oo sheegay in Maamulka Madaxweyne Xasan uu ka liito maleeshiyo beeleedkii.

Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee ku kacsan Dowlada Madaxweyne Xasan hogaamiyo ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay in hab dhaqanka Dowlada uu ka liito xili maleeshiyo beeleedyadui dalka haysteen.
C/raxmaan C/shukuur wuxuu ku eedeeyay Dowlada hada jirta inay xurmeyn waysay xarumihii caafimaadka oo sida uu sheegay ay Maleeshiyo beeleedyadu xurmeyn jireen.
“Xilliyadii dalku ugu rajada xumaa oo ay dagaalladu daraf kasta dalka ka socdeen, maleeshiyaadka beelaha waa xurmayn jireen xarumaha caafimaadka”ayuu yiri C/raxman C/shukuur
Siyaasigaan wuxuu tusaale u soo qaatay in Dowlada Xasan xiligaan xitaa iibineysay wasaaradii caafimaadka iyo isbitaalkii Laansareeti.
“Iibinta Wasaaraddii caafimaadka, Isbitaal Laansareeti iyo dhismayaalkii dhaxal taariikheedka ahaa waxay caddayn u tahay in maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka mooral, akhlaaq iyo xurmo liito maleeshiyo beeleedkii”ayuu yiri Xildhibaan C/raxman C/shukuur Warsame
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -