Siyaasiga caanka ah ee Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame ayaa bartiisa Facebook qoraal uu soo dhigay wuxuu ku sheegay in Wasiie Dowlada ka tirsan uu u hanjabay muwaadinad Soomaaliyeed oo waliba Dowlada u shaqeysa.

Qoraalka Xildhibaanka ayaa sidaan  u qornaa:-

Advertisement

Waa ayaandarro wayn in Wasiir ka tirsan xukuumadda uu bartiisa Twitter-ka ugu hanjabo muwaadinad Soomaaliyeed oo ra’yigeeda cabirtay, maalin ka dibna shaqo la talin ah oo mushaarkeeda ajnabi bixinayey laga cayriyey. Waa sariig la’aan in dadkii shalay ku eedayn jiray rajiimkii ka horreeyey in ay muwaadinka ku bartilmaamsadaan ra’yigiisa, ay maanta falkii oo kale ku kacaan.

Caddaalad dari ka xanuun badan ma laha in ruux aan si kale kaaga itaal roonayn uu magaca dowladda kuugu awood sheegto, gaar ahaan haweenka iyo beelaha loo tirada sheegto.

Waxaan ugu baaqayaa Guddiga Cadaaladda iyo Garsoorka ee Golaha Shacabka in uu arrinkan soo farageliyo, una yeero wasiirada gaboodfalka gaystay, waa haddii ay Golaha naf ku dhimantahay.

Bulshada Rayadka ah iyo Warbaahinta madaxabannaan waa in ay falkan canbaareeyaan, si uusan u noqon mid sii socda oo qof walba bawdkiisa ugu soo dhaca.

Caburrintu waa hubka ugu culus ee Rajiimka fulayga ee ka baqa ra’yiga kale, waa xeeladda lagu qariyo kalsooni darrida iyo karti xumida.

“Haddaan diintu qabanayn
Sharci kaa dabbaalayn
Dabar kaa celshaa jirin
Dalka maamulkiisii
Sida loogu dabar go’ay
Ninkii doonayoow maqal”.

Abwaan Cabdi Qays.

Previous articleWararkii ugu danbeeyay Gaza
Next articleSababta loo dilay Nabadoonkii Beesha Moobleen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here