Siyaasiga Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame oo ka mid ah mucaaradka waa weyn ee Dowlada ayaa sheegay in doorashada maanta Muqdisho ka dhacday aysan waxba ka badaleyn xaalada murugsan ee shacabku ku jiraan xiligaan sida uu warka u dhigay
“Waxa maanta Muqdisho ka dhacay waxay sawir khaldan ka bixinaysaa, islamarkaana dhaawac wayn gaarsiiyay ruuxdii iyo himilladii ay dadka reer Muqdisho ka qabeen doorasho qof iyo cod ah, oo awoodda dib loogu celinayo shacabka” ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame
Siyaasigaan wuxuu intaasi ku daray in doorashadaani tahay yididdiilo uu qof kasta oo Soomaali ahi ku taamayay muddo ka badan 50 sanno.
“Waxay ahayd naruurada keli ah ee ay shacabku ku naawilayeen in dalku isbeddel taabbagal ah ka hirgalo” ayuu mar kale yiri Xildhibaanka
Dhanka kale Xildhibaanka wuxuu xusay doorasho ku sheegga Qof iyo Xasan Sheekh ah sida uu warka u dhigay inaysan waxba ka beddeleyn duruufta qallafsan ee ay dadka reer Muqdisho la daalaa dhacayaan, wuxuuna Sababta ku dheegay qodobadaan soo socda:-
- Duqii magaalada, Guddoomiyihii Gobolka iyo kuwii degmooyinku sidoodii ayey u joogayaan.
- Musuqmaasuqii, dhulboobkii iyo barakicintu halkeedii ayay ka sii soconaysaa.
- Garsoorkii uu goosan karayey qofkii lacag lihi waxba iska beddelimaayaan.
- Awoodsheegadkii, xadgudubyadii sharcidarrada ahaa iyo cabburintii shacabka lagu hayey halkoodii ayaa laga miisayaa.
- Cashuurtii iyo khidmadihii baadda u badnayd ee bulshada laga qaadayey wax adeeg ah looguma qaban mayo.
Qoraalka Siyaasigaan oo dheeraa waxaa qeybta danbe u qorneyd sidan:-
Ma jiri doono wax la taaban karo oo nolosha muwaaddiniinta silicsan ku dhici doona. Sababahuna waa kuwa kor ku xusan. Islaxisaabtan, dabaggal, kormeel iyo hay’ado kala madaxbannaan oo isdheellitira midna ma keenayaan. Wax walba halkoodii ayey ahaan doonaan. Waa jug jug meeshaadii joog!
Daalka keli ah ee la kororsaday, ee la hubo waa xildhibaanno degmo oo ka kooban 390 qof oo qaybintooda qabiil iyo reero la iskugu qabsan doono, kuwaas oo aan lahayn: mushahar, miisaaniyad, iyo xafiis ama awood sharciyeed oo ay ku shaqeeyaan.
Doorashada ujeedkeedu ma aha in lagu xalliyo dhibaatooyinka bulshadu la nooshahay, ama awoodda loogu celiyo shacabka ee waxaa lagu dhaqayaa oo weji qurxoon loogu samaynayaa taliska Madaxweyne Xasan Sheekh ee caanka ku noqday; dhulboobka, barakicinta, musuqa xididdaystay, eexda, kutagrifalka awoodda iyo hurinta xasaradaha qabyaaladeed.
