HomeWarkiiC/raxman C/shukuur"Maalmahaan Ganacsatada Muqdisho waxay ka cabanayaan canshuur sharci darro ah iyo...

C/raxman C/shukuur”Maalmahaan Ganacsatada Muqdisho waxay ka cabanayaan canshuur sharci darro ah iyo isbaarooyin awood sheegad ah”

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Siyaasiga C/raxmaan C/shukuur ayaa qoraal uu si adag uga hadlay cabashada ganacsatada reer Muqdisho iyo dhibaatada kaga imaaneysa dhanka Dowlada Soomaaliya isagoona xusay qaar ka mid ah cabashooyinka Ganacsatada.

Sidoo kale Siyaasiga wuxuu sheegay in Hay’adihii Dowladu maanta shaqeyneyn taasina ay cadeyn u tahay cid kasta oo Dowlada ka cabanaysa maanta waxay toos u magacaabeysa Madaxweynaha.

“Halkaas waxa ka cad in aysan shaqaynayn hay’adaha kale ee dawladda laga bilaabo xukuumadda uu Raysalwasaaruhu madaxda ka yahay, baarlamaanka iyo garsoorka intaba” ayuu yiri Xildhibaan C/ramaan C/shukuur

Sidoo mar uu ka hadlayay ganacsatada ayuu sidaas oo kale wuxuu soo hadal qaaday in dhibaato xooggan lagu hayo iyadoo hantidooda si sharci daro ah looga qaadanayo iyadoo awooda Dowlada la adeegaanayo

“Maalmahaan Ganacsatada Muqdisho waxay ka cabanayaan canshuur sharci darro ah iyo isbaarooyin awood sheegad ah” ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan C?shukuur Warsame

Siyaasigaan wuxuu dhanka kale si cad qoraalkiisa ugu sheegay in marka awooda Dwlada laga yimaado in dhanka mucaaradkuna awood leeyihiin.

“Marka laga soo tago hay’adaha dawladda waxa jira awoodo kale oo dheellitira taliska talada haya, shacabkana u hadla waa siyiisiinta mucaaradka ah iyo ururrada bulshada rayidka ah” ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan

Mar uu siyaasiyiinta ka hadlayay wuxuu sheegay in Xildhibaanku in qaarkood kaliya xukun doon yihiin halka kuwa kalana ay mar kasta bulshada u hadlaan una doodaan xusquuqdooda.

“Siyaasiga u hadla bulshada, xaqoodana si dhiirran u difaaca, waxa u muuqata rejo xukun oo ah in uu soo bandhigayo xal wanaagsan iyo talo toosan oo ta maanta la hayo ka fiican, waxaase jira siyaasiyiin aan u hadlin bulshada oo aan la noolayn duruuftooda nololeed, laakiin isku abaabulaya sidii ay xukunka u hanan lahaayeen. Waa siyaasiyiin ka go’an waaqaca iyo duruufta bulshada ee lagu jiro” ayuu mar kale yiri C/eraxmaan C/shukuur

Si kastaba wuxuu Xildhibaanka wuxuu Ganacsatada ku dhiiri geliyay inay fahmaan in ay yihiin awood ka mid ah awoodaha bulshada.

“Ganacsatadu waa Waa inay la yimaaddaan tallaabooyin la taaban karo, oo dhaafsiisan calaacal iyo niyadjab” ayuu yiri Xildhibaanka

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -